Heshiis laga gaaray dagaal ka dhacay gobolka Sool

0

Muqdisho:(Nation Fm) Heshiis ka kooban afar qodob ayaa laga gaaray dagaal labo maleeshiyo beeleedka ku dhex maray deegaan Saaxmagaag ee gobolka Sool.

Heshiiska ayaa waxa uu ka dhacay shir dib u heshiisiineed oo ay fududeysay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dimuqraadiyeynta maamulka Puntland .

Madaxweyne Ku-xigeenka maamulka Puntland, Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa daah furay shir nabadeedka, waxaana ka soo baxay afar qodob ay dhinacyadu ku heshiiyeen oo kala ah.

1.Xabad joojin rasmiya oo la dhex dhigay beelihii dirirtu dhex martay.

2.kala rarista ciidamadii dirirtu dhex martay.

3.In dowladu la wareegto amniga deegaanka lagu diriray.

4.Dowladdu waxay magacaabaysaa guddi kormeera hirgelinta go’aanada shirka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here