Rag dadka tahriibiya oo lagu qabtay magaalada Boosaaso

0

Boosaas: (Nation Fm) Rag ka shaqeysan jiray tahriibinta dadka ayaa lagu qabtay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Saraakiisha amaanka Puntland ayaa warbaahinta u sheegay in ggacanta lagu soo dhigay hoggaamiyihi shabakad daka tahriibisa iyo xubno la socday xilli ay doonayeen in ay dhalinyaro ka daabulaan Boosaaso.

Saraakiishu waxeey tilmaameen in dowladdu ay la wareegtay doonyo iyo gaadiid kale oo kooxdaas ku daabuli jireen dhalinyarada si loogu tahriibiyo ilaa la gaarsiiyo ma-gafayaal ku sugan Yemen iyo Liibiya.

Laamaha Amniga Boosaaso weli faahfaahin kama bixin hawlgalkaas, mana soo bandhigin kooxdaas Boosaaso lagu qabtay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here