Deeq ka kooban raashin nafaqeysan iyo daawo oo la soo gaarsiiyay Muqdisho

0
22

Muqdisho:(Nation  Fm) Deeq ka kooban 26 tan oo raashin nafaqeysan iyo daawo ah ayaa la soo gaarsiiyay magaalada Muqdisho .

Mas’uuliyiin ka tirsan Guddiga Qaran ee Gurmadka Abaaraha ayaa deeqdan ku guddoomay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Deeqdaan gar gaar ah oo loogu tala galay dad ay saameeyeen abaaraha ayaa ka timod dalka Isutagga Imaaraadka Carabta, si loo yareeyo macluusha iyo cuduro ka dhasha saameynta abaarta.

Deeqdaan ayaa noqaneyso tii u horreysay ee ka timaada Imaaraadka Carabta tan iyo sanadkii 2018, xilligaasoo xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka uu xumaaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here