Al-Shabaab oo weerartay deegaanka Baxdo

0
18

Dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab ayaa saaka aroortii weerar ku qaaday bar koontarool oo laga soo galo deegaanka Baxdo ee gobolka Galgaduud.

Al-Shabaab ayaa la sheegay inaay gudaha u soo galeen deegaanka Baxdo, kadib dagaal ay la galeen ciidamo boolis ah iyo kuwa deegaanka ee ku sugnaa deegaanka.

Saraakiisha ciidanka ayaa sheegay in dadka degaanka ay siweyn isaga difaaceen Al-Shabaabkii soo weeraray, isla markaana Al-Shabaab ay u suurto geli weeysay inay la wareegaan degaanka Baxda.

Dadka deegaanka ayaa inoo xaqiijiyay  inay dib uga laabteen Al-Shabaab deegaanka,  haatan ay ku sugan yihiin Ciidamada Booliska iyo kuwa degaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here