Heshiis hor dhac ah oo laga gaaray dagaal ka dhacay eegaanka Saax-meygaag ee gobolka Sool

0
15

Garoowe:(Nation Fm) Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo wefdiga uu hogaaminayey oo ku sugan deegaanka Saax-meygaag, ayaa wada dadaal ay  ku bixinayaan nabadeynta beelo walaalo ah oo halkaasi ku diriray.

Mas’uuliyiinta ayaa waxaa ay ki guuleyseen in la sameeyo xabad joojin kadibna loo gudbo Shirka nabadeynta ee lagu dhex dhexaadinayo Beelaha dirirtu dhexmartay.

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ayaa hoggaamin doona Shirka nabadeynta ah oo berito dhici doona, kaasi oo ay kawada qeybgeli doonaan dhammaan Isimada iyo Waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada deegaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here