AKHRISO:- Taliye Odawaa oo laga dalbaday in uu keeno Shan Sargaal oo lagu tuhmayo in ay…

0
17

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Somalia Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa ka dalbaday Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jenaraal Odawaa Yuusuf Raage in loo yeero ilaa shan sarkaal oo la sheegay in lagu tuhunsan yahay dhacdadii 27-kii bishii lasoo dhaafay ee Decembar ka dhacday Xafiiska Raiisal wasaaraha.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Wasiirka Difaaca Somalia ayaa Taliyaha ciidanka xoogga Dalka looga codsaday in shanta sarkaal maalinta Sabtiga ah ee taariiqdu tahay 8-da Janaayo 10:00 barqanimo ay yimaadaan xafiiska wasiiru dowlaha Xafiiska Raysal wasaaraha, si ay ula kulmaan guddiga loo magacaabay baaritaanka dhacdadaasi.

Saraakiisha loo yeeray ee lagu tuhunsan yahay Falkaasi ee ku xusan qoraalka wasaaradda ayaa kala ah

Gaashaanle Sare Xasan Aadan Dhicis Taliyaha Guutada 77aad,
Gaashaanle Shaafici Nuur Axmed Abaanduulaha Guutada 77aad,
Gaashaanle Dhexe Cabdi Yaasin Cali Kooshin Taliyaha Ururuka 60aad ee Guutada 77aad,
Gaashaanle Xasan Duwane Cumar Abaanduulaha Ururka 60aad,
2 Xidigle Muuse Maxamed Caddow (Shaarib) Taliyaha Koox Horinta Gurmad Ururka 60aad.

Hlakaan Hoose ka akhriso Qoraalka Wasaaradda Gaashaandhiga

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here