Boosaaso (Nation Fm) Taliska ciidanka Booliiska gobolka Bari, oo kaashanaya laamaha Sirdoonka Puntland, ayaa magaalada Boosaaso ku qabtay gaari lagu soo qariyay hub iyo saanad sharci-darro ah.
Gaariga oo noociisu yahay Iska roge, ayaa lagu qabtay garaash la dhigay oo ku yaalla gudaha Boosaaso, sida uu warbaahinta u sheegay askari ka tirsan Ciidankii qabtay.
Booliiska ayaa sheegay in Gaariga ciid lagu soo raray, si loogu qariyo hubka iyo saanadda saaran, balse Ciidanku ay horay u sii hayeen xogta gaariga.
Wuxuu intaas ku daray i la ogyahay cidda mas’uulka ka ah Gaariga iyo meesha loo waday hubka, isaga oo xusay in baaritaan dheeriya ku samaynayaan.