Mashruuc biyo xireen ah oo laga dhagax dhigay magaalada Beledweyne

0
44

Beledweyne: (Nation Fm) Maamulka Hirshabelle oo taageero ka helaya dowladda Norway ayaa magaalada Beledweyne maanta ka dhagax dhigay mashruuc biyo xireen ah oo lagu sameenayo wabiga, si looga hortago saameyn ka dhalata fatahaada Wabiga Shabelle.

Wasiiro ka tirsan Dowlad goboleedka Hirshabeelle iyo maamulka gobolka Hiiraan ayaa si wada jir ah u dhagax dhigay mashruucaan biyo xireenka ah.

Gudoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa ka mahadceliyay hirgelinta mashruucaan, isaga oo xusay inuu yahay mid waxtar u leh dadka iyo duunyada ku dhaqan gobolka Hiiraan.

Sidoo kale Wauxuu u mahadceliyay dowladda Norway oo taageereyso mashruucaan iyo cidkasta oo ka soo shaqeeysay hirgelinta mashruucaan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here