Dowladda Kenya oo raali gelin buuxda siisay Soomaaliya

0

Muqdisho: (Nation Fm) Dowladda Kenya ayaa raalli-gelin rasmi ah ka bixisay shirkii uu maanta ka baxay safiirka Soomaaliya ee magaalada Nairobi, kadib markii uu goobta ka soo muuqday calanka Somaliland.

Kenya ayaa sheegtay in ay qadarrin u heyso qaranimada iyo madax banaanida Soomaaliya. waxeyna ka cudurtaarteen joogitaanka wakiillada Somaliland ee Nairobi.

“Wasaaradda Arrimaha Dibedda Kenya waxay ka xun tahay sida aan ku talo-galka iyo munaasibka ahayn ee calanka Somaliland uga soo dhex muuqday dhacdo sanadeedka diblomasiyadda. Wasaaraddu waxay kale oo rajaynaysaa inay dib u xaqiijiso aqoonsiga qarannimada hal dawlad oo federaal ah oo Soomaaliyeed iyo jiritaanka qaranka federaalka Soomaaliya.”  ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ka soo baxay dowladda Kenya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here