Madaxweynaha Somaliland oo la kulmay Wakiillo ka socday Beesha Caalamka

0

Hargeysa : (Nation Fm) Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabiley safiirka Midowga Yurub, Amb. Tiina Intelmann oo ay wehelinayeen Safiirka Sweden Amb. Per Lindgarde iyo Maria Groeneveld oo ka socotay Xafiiska Midowga Yurub ee Nairobi.

Waxaana kulankaa lagaga wada hadlay doorashooyinka kusoo foolka leh Somaliland iyo Abaaraha ba an ee ka jira dhulka soomaaliyeed iyo guud ahaan Geeska Afrikaiyagoo si gooni ah ugu wada hadlay Abaaraha  ku soo noq-noqday Somaliland iyo sidii ay midowga Yurub gacan uga geysan lahaayeen mustaqbalka iyo kor u qaadidda  iskaashiga kala dhaxeeya Somaliland iyo Midowga Yurub.

Madaxweynaha waxa ku wehelinaayey kulankaasi wasiir ku xigeenka Arrimaha dibedda iyo iskaashiga Caalamiga ah, ahna ku simaha Wasiirka Arrimaha Dibeda, Cabdinaasir Cumar Jaamac  iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Somaliland, Maxamed Cali Bille.

Kualnka uu manta la qaatay madaxweynaha soomaaliland wafdigan ka socday midowga yurub ayaa kusoo aaday xilli mudooyinkii dambe ay jireen abaaro baahsan oo ka taagan deegaanda soomaaliland iyo guux siyaasadeed salka ku hayay isfaham waa dhanka doorashada ah oo soo kala dhaxgalay xisbiyada mucaaradka maamulkaasi iyo madaxweynaha Somaliland.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here