Waxaa magaalada Toronto ee dalka Canada lagu qabtay bandhig-dhaqameed lagu soo bandhigay, agabka dhaqanka Soomaalida, suugaan, heeso iyo cayaaro kala duwan, kaasoo ay ka qeyb galeen qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaalida ku nool Canada iyo koox ka timid dalka Mareykanka.

Bandhig-dhaqameedka oo ay soo qaban qaabisay Hodan Nalayeh oo ah aasaasaha Integration tv, ayaa dadkii ka qeyb-qaatay waxaa kamid ahaa fannaaniinta waaweyn ee Soomaaliyeed Khadiija Cabdullaahi Camey (Daleys) iyo Faadumo Cali (Nakruma)’ abaawaanno, fannaaniin da’yar iyo koox ka timid magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka oo soo bandhigtay agabka dhaqanka, dhaanto iyo waxyaabo kale oo soo jiidday ka qeyb galayaashii barnaamijka.

Sidoo kale dhallinyaro ka kala timid magaalooyinka kala duwan ee Canada sida Edmenton ee gobolka Alberta ayaa ugu qeyb qaatay barnaamijka gabayo heeso iyo cayaaro.

Hodan Nalayeh ayaa Bar-kulan u sheegtay in ujeeddada ay u qabteen bandhig-dhaqameedka uu ahaa sidii dhallinyarada ku dhashay waqooyiga Ameerika ama kusoo barbaaray loo dareensiin lahaa muhiimadda uu leeyahay dhaqanka iyo sidii loo siin lahaa fursad ay kusoo bandhigaan wixii aqoon ah ee ay u leeyihiin dhaqanka.

Waxey xustay in barnaamijyadan ay yihiin kuwa ka qeyb qaadanaya fahamka iyo kobaca maskaxda dhallinta, islamarkaana lagu hakin karo dilalka ay la kulmaan dhallinyarada Soomaalida ee kunool waqooyiga Ameerika gaar ahaan Canada.

Hodan ayaa tilmaantay in iyadoo kaashaneysa bulshada qeybaheeda kala duwan ay qaban doonto barnaamijyo lagu hormarinayo dhaqanka, islamarkaana lagu wacyigelinayo dhallinyarada sidii ay gacan uga geysan lahaayeen horumarka iyo midnimada umadda Soomaaliyeed.

Waxaa abaal-marinno laguddoonsiiyay Khadiija Cabdullaahi Daleys iyo Ubax Iidle  iyagoo lagu ammaanay waxqabadkooda ku aaddan bulshada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here