Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud oo la kulmay gudoomiye Sh.Aadan Madoobe

0

Muqdisho:(Nation Fm) Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan hambalyo iyo bogaadin ah la qaatay madaxweynaha la doortay Xasan Shiikh Maxamuud.

Waxeey ka wada hadleen sidii loo sii amba qaadi lahaa geedi socodka nabada iyo xasilooni siyaaseed oo wadajir ah, sidaas waxa lagu sheegay war kasoo baxay Golaha Shacabka Somalia.

Xogo la helay ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh uu golaha shacabka hor geyn doono sida ugu dhaqsiyaha badan heshiisyo uu Farmaajo galay shantii sano uu hogaaminayay dalka.

Xildhibaanada ayaa u muuqda kuwa aad ula dhacsan siyaasadda Xasan Sheekh Maxamuud.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here