Deg Deg: Bandow Lagu Soo Rogay Magaalada Muqdisho

0

Muqdisho: (Nation Fm) Taliska Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in caawa laga bilaabo in Bandow lagu soo rogay Magaalada Muqdisho.

Bandowgan ayaa waxaa uu ku egyahay maalinta Isniinta sida uu sheegay Afhayeenka Booliska.

Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in sababta bandowga loogu soo rogay magaalada Muqdisho ay tahay sugida amniga ee doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

Afhayeenka Booliska ayaa sheegay in Shacabka laga doonayo inay soo adeegtaan galab illaa caawa ka hor Bandowga inta uusan bilaaban.

Maalinta beri ayaa la filayaa in magaalada Muqdisho lagu qabto doorashada madaxweynaha 10-aad ee Soomaaliya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here