Hadaljeedinta Musharixiinta Madaxweynaha oo ka socoto Afisyooni

0

Muqdisho: (Nation Fm) Xarunta teendhada Afisyooni waxaa ka bilaabatay hadaljeedinta musharixiinta u tartameysa xilka madaxtinimo ee dalka, iyadoo maanta lagu wado la soo gabagabeeyo munaasabadda hadaljeedinta musharixiinta sida ku cad jadwalka ay soo saareyn guddiga isku dhafka ee u xilsaaran doorashada madaxweynaha.

Hoolka munaasabadda hadaljeedinta waxaa ku sugan musharixiinta maanta sameenaya hadaljeedinta oo gaaraya 19, xildhibaanada golaha shacabka iyo kuwa aqalka sare iyo guddoonkooda.

Guddiga isku dhafka ah ee doorashada ayaa u yeeray daqiiqado kahor musharax madaxweyne horena usoo ahaa Madaxweynihii 9-aad ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud si uu soo jeediyo khudbadiisa ku aadan

Xarunta teendha Afisyooni ee Xeyndaabka Xalane waxaa ka socoto diyaar garowgii ugu dambeeyay ee munaasabadda hadaljeedinta musharixiinta u tartameysa xilka Madaxweynaha Soomaaliya, waxaana hoolka teendha ku sugan Xildhibaanada labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya iyo guddoonkooda, Musharixiinta madaxweynaha.

Waa maalintii labaad oo xiriir ah oo la qabto munaasabadda hadal jeedinta musharixiinta madaxweynaha, xili manta uu qorshuhu yahay in musharixiin gaaraya 20 ay xildhibaanada labada aqal ka horjeediyaan khudbado ay kaga hadlayaan waxqabadkooda ku aada n markii ay xlka madaxweynaha ku guuleystaan.

Madaxweynayaal hore ayaa ku jira musharixiinta khudbadohooda ka horjeedinaya baarlamaanka Soomaaliya, waxaana ka mid ah:- Xasan Sheekh Maxamuud, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo musharixiin kale.

Sidoo kale, warbaahinta Madaxa banaan ayaa maanta loo ogolaaday inay hoolka ay ka socoto hadaljeedinta ay gudaha u galaan si ay usoo tabiyaan wararka la xiriira hadaljeedinta Musharixiinta, xili shalay laga hor istaagay inay soo tabiyaan hadaljeedinta Musharixiinta u tartamaya xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Shalay hoolka Teendhada Afisyooni oo ay ku sugnaayeen Xildhibaanada labada gole, waxaa hadal jeedin ka sameeyay murashixiin Madaxweyne oo gaaraya 19, kuwaas oo min 15 daqiiqo jeediyay khudbad ay kaga hadlayeen waxqabadkooda la xiriira marka ay ku guuleystaan hoggaanka dalka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here