Sheekh Shariif oo kulamo la qaatay Cali Guudlaawe & Laftagareen

0

Muqdisho: (Nation Fm) Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa Magaalada Muqdisho kula kulmay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya haatanna ka mid ah Musharixiinta madaxweynaha Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Mas’uuliyiinta waxaa ay kulankooda kaga hadleen xaaladaha guud ee dalka, iyo dhameystirka doorashooyinka dalka oo heerkii ugu dambeesay maraysa.

Sidoo kale, dhinacyada waxaa ay ka wada hadleen doorashada Madaxweynaha Soomaaliya taas oo la filayo inay dalka ka dhacdo 15-ka bishaan May oo ay ka harsan tahay Saddex maalin qura, waxaana ay ifafaalo wanaagsan ka muujiyeen sida ay u qabsoomi doonto.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe ayaa Musharax Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed ku booriyay dadaalkiisa la xiriira u tartamida xilka Madaxweynaha, isagoo u rajeeyay guul.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen  isna dhankiisa waxaa uu kulan la qaatay Madaxweyne hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Labada Mas’uul waxaa ay kulankooda diirada ku saareyn Xaalada dalka iyo Arimaha Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.

Sheekh Shariif ayaa ugu mahadceliyay Laftagareen kaalintiisa doorashada dalka, isagoo xusay inay isla qaateen muhiimada ay leedahay in Si wadajir looga shaqeeyo doorashada iyo sidii nabad ay ugu soo idlaaan lahayd.

Kulamadaan ayaa kusoo aadaya, xili loo madalsan yahay 15-ka bishaan May qabsoomida doorashada Madaxweynaha Soomaaliya, iyadoo ay ku tartamayaan Musharixiin kor u dhaafaya tiradooda 35.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here