12 Suxufi oo maanta laga sii daayay xabsiga Hargeysa

0

Hargeysa: (Nation Fm) Xarunta Dambi baarista Magaalada Hargeysa waxaa maanta laga sii daayay 12 ka mid ahaa 15 Suxufi oo ku xiran 6 cisho kaddib markii Ciidamada Booliiska ay kasoo qabteen afaafka hore ee Xabsiga Hargeysa.

Saddexda Suxufi ee aan la deyn waxa ay kala yihiin: Maxamed Cabdi Ilig, Cabdijibaar Maxamed Xuseen iyo Cabdiraxmaan Cali Khaliif, ma jirto faah-faahin laga bixiyay sababta loo reebtay saddexdaas Wariye.

Hay’adaha ammaanka Somaliland ayaa lagu dhaliilayay in xabsiga dhigtay suxufiyiin gudanaya waajibaadka ka saaran baahinta dhacdooyin dhowr ah oo intooda badan ka dhacay Magaalada Hargeysa.

Xildhibaanno, Siyaasiyiin, Odoyaal, Ganacsato iyo shaqsiyaad kale ayaa dhexda u xirtay sidii loosii deyn lahaa suxufiyiinta ay xireen Ciidamada ammaanka Somaliland oo qaarkood ay u geysteen jirdil.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here