Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya oo maanta la dhaarinayo

0

Muqdisho: (Nation Fm) Maanta ayaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho lagu qabto munaasabad lagu dhaarinayo xildhibaannada labada aqal ee dhawaan laga soo doortay xarumaha dowlad gobolleedyada iyo Muqdisho, sida ay sheegeen guddiga doorashooyinka heer Federaal ee FEIT.

Waxaa magaalada Muqdisho si weyn looga dareemayaa qaban-qaabada munaasabada dhaarta xildhibaannada, waxaana guddiga baarlamaanka uu ku howlanaa diyaarinta munaasabadan iyo fadhigii u horeeyay ee Baarlamaanka cusub.

Sida uu qorshuhu yahay maanta ayaa waxaa la dhaarinayaa ku dhawaad ee ilaa 283 Xildhibaan oo isugu jira labada abqal ee baarlamaanka 11-aad eeSoomaaliya.

Waxaa si weyn loo adkeeyay amniga goobta lagu qabanayo munaasabada dhaarta oo ah Teendhada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho.

Fadhiga koowaad ee Baarlamaanka ayaa lagu dooranayaa guddoomiye KMG ah, iyadoo ninka ugu da’da weyn uu noqonayo Guddoomiyaha KMG ah ee Baarlamaanka cusub ee 11-aad.

Sidoo kale waxaa la magacaabi doona guddiga doorashooyinka Guddoonka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha, kuwaas oo iclaamin doona xilliga ay dhaceyso doorashada Madaxweynaha dalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here