Baaritaano lagu sameyeenayo dambiyo ka dhacay Ukraine

0

Muqdisho: (Nation Fm) Dowladda Mareykanka ayaa si rasmi ah u shaacisay in ay taageereyso baaritaano lagu sameenayo xad gudubyo la sheegay inay ka dheceen dalka Ukraine.

Madaxweyne ku xigeenka Maraykanka Kamala Harris ayaa sheegtay in la gaaray xiligii bananka la keeni lahaa dambiyo dagaal oo heer caalami ah oo ka dhashay galitaanka Ruush-ka ee Ukraine.

Mareykanka ayaa sidoo kale taageeray baaritaanno lagu sameeyo eedeymaha weerarro ka dhan ah dad rayid ah oo ay ku jiraan caruurta iyo dumar uur leh oo ku sugnaa isbitaal dhalmada ah.

Ruushka ayaa weli waxaa uu dagaal culus ka wadaa Gudaha dalka Ukraine, waxaana arrintaasi aad u dhaleeceeyay dalalka Midowga Yurub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here