Wasiirka arrimaha dibedda oo gaaray dalka Masar

0

Muqdisho: (Nation Fm) Wasiirka Arrimaha dibedda XFS iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa gaaray dalka Masar iyagoo ka qayb gelaya meertada 157-Aad ee shirka Wasiiradda Arrimaha Dibadda dalalka jaamacadda Carabta oo ka dhacaya Qaahira.

Inta uu socdo Shirkaa ayaa wufuudda joogtada ahi waxa ay ka doodi doonaan ajandaha qabyo qoraalka ah ee shirka Wasiirada, oo ka kooban 11 qodob kuwaas oo saabsan arrimo kala duwan oo ay ka mid yihiin arrimaha siyaasadda, dhaqaalaha, arrimaha bulshada, amniga, maaliyadda iyo maamulka.

Sidoo kale waxa la dhegaysan doonaa warbixinta xoghayaha Guud ee intii u dhaxaysay labadii kalfadhi ee ugu dambeeyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here