Muqdisho:(Nation Fm) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa si adag u cambaareeyey Qarixii ismiidaaminta ahaa ee maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Waan cambaareynayaa weerarkii ay argagixisada Al-shabaab saaka ka geysteen Muqdisho oo dhimasho iyo dhaawac ka soo gaareen dad rayid ah oo ay ku jiraan arday” ayaa lagu yiri qoraal kooban ka soo baxay xafiiska Ra’iisul waasaaraha Soomaaliya.

Rooble ayaa inta dhimatay Alle uga baryay inuu u naxriisto, dhaawacyada Allaha u boogo dhayo, eheladoodana samir iyo iimaan Eebbe haka siiyo.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa Magaalada Muqdisho kusoo batay qaraxyada iyo dilalka qorsheysan, iyada oo lagu guda jiro xilli kala guur ah o dalku uu u dareeray doorasho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here