Muqdisho:(Nation Fm) Inta la xaqiijiyay 8 ruux ayaa dhimatay 17- kalena dhaawac ayaa soo gaaray, kadib qarax loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa oo ka dhacay ka soo horjeedka Dugsi Sare Banaadir oo ku yaala aaga madaxyooyadii hore C/qaadim ee degmada Hodan.

Afhayeenka ciidanka booliska Soomaaliya C/fitaax Aadan Xasan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in garai nooca saarufka ah oo lal eegtay mid ka mid ah ilaalda hay’adda UN-ka oo goobtaas marayay.

Afhayeenku waxuu intaas ku daray in gaariga uu waday ruux ismiidaamiye ah, isag aoo sheegay in qaraxa ay ku waxyeeloobeen dad rayid ah.

Maamulka Iskuula Macasar oo burbur xoogan uu u geestay qaraxa ayaa sheegay in ay ku dhaawacmeen 8 ruux oo 7-ka mid ah au ahaayeen Arday.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here