Garoowe:(Nation Fm) Ciidamada Puntland ee (PSF) ayaa diiday go’aan uu madaxweynaha Puntland , Siciid Cabdullaahi Deni xil ugu magacaabay agaasime cusub oo ciidamada PSF Punntland hogaamin doono.

Ciidanka Puntland waxay sheegeen in go’aanka uu “baalmarsanyahay sharciyada, xeerka ciidannimada iyo dhaqanka suuban

Hoggaanka iyo ciidamada PSF waxay u heelan yihiin la dagaalanka argagixisada, amni darrada iyo guud ahaan wixii amniga Puntland iyo Soomaaliya ba wax u dhimaya” ayaa lagu yiri war kasoo baxay ciidamada Puntland.

Maxamed Amiin Cabddulahi Xaaji Khayr ayaa loo magacaabay agaasimaha cusub ee hay’adda PSF ee ciidanka Puntland, sida laga soo xigtay war saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here