Afgooye: (Nation Fm) Taliska ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa ka warbixiyay howlgallo qorsheysan oo ciidanka gaarka ah ee la dagaalanka argagixisada booliska ay ka fuliyeen degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose.

Cutubka la dagaallanka argagixisa ee Boliiska Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay walxaha qarxa sida uu warbaahinta u xaqiijiyay Afhayeen Booliska.

Waxuu xusay in qaraxa uu ka koobnaay Banbaanooyin Gacmeedyo iyo Baaruuda Miinooyinka loo isticmaalo, isaga oo xusay in ay sii wadi doonaan howlgaladda lagu xaqiijinayo amniga , xili dalka uu ku jiro doorasho.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here