Muqdisho: (Nation Fm) Waxaa garoonka diyaarada Muqdisho lagu soo dhaweeyay wafdigii Soomaaliya ee ka qeyb galay xukunka maxkmadda ICJ ee badda Soomaaliya.

Madaxda ugu sareyso dalka, xildhibaano, Wasiiro iyo qeybaha bulshada ayaa garoonka ku soo dhaweeyay wafdigaan uu horkacayo Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Khadar Guuleed.

Wafdigaan oo si kooban ula hadlay Warbaahinta ayaa ka mahadceliyay soo dhaweynta loo sameeyay, iyaga oo dareen farxadeed iyo dhmabaal u diray umadda Soomaaliyeed.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here