Nairobi:(Nation Fm) Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Danjire Maxamud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa la kulmay danjiraha Thailand u fadhiya dalka Kenya H.E. Sasirit Tangulrat.

Waxeey labada safiir ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal oo ay ku jiraan horumarinta ganacsiga gaar ahaan kalluumaysiga, caafimaadka iyo waxbarashada.

Waxaana labada Danjire ay isku afgarteen qodobadii ay ka wada hadleen, iyada oo la filayo in wafdi ka socdo Thailand ay soo gaaraan dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here