Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka  Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa uga tacsiyeeyay Qoyska asxaabta iyo guud ahaan Ummadda soomaaliyeed geerida ku timid Allaha u naxariiatee Dr. Maxamed Daahir Afrax, Guddoomiyihii Akadeemiyad goboleedka Afka iyo Guddiga dib u eegista Dastuurka.

“Marxuum Afrax waxa uu ahaa aqoonyahan iyo qoraa Soomaaliyeed ku xeel dheer afka iyo dhaqanka Soomaaliyeed, wax weyna ku biiriyay horumarinta dhaqanka iyo qoraalka Afkeenna hooyo” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Rooble.

Wuxuu Alle uga bariyay inuu Jannadii Firdows  ka waraabiyo ehelka iyo ummada Soomaaliyeedna, uu sabir iyo Iimaan Allaha ka siiyo.

Dr.Maxamed Daahir Afrax ayaa ku geeriyooday dalka Ingariiska.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here