Muqdisho:(Nation Fm) Odayaasha dhaqanka ee 135- ta oday ee soo xulay ergadii soo dooratay baarlamaankii 10-aad oo maanta kulmay Muqdisho ayaa ka horyimid habraacyadii ay soo saareen dhawaan Golaha Wadatashiga Qaran.

Waxay sheegeen in 135-ka oday dhaqameed ay iyagu awoodii u leeyihiin soo xulista ergada si ay u kala dhex dhexaadiyaan beelaha, looga dambeeyo doorashada baarlamaanka iyo hanaanka ergooyinka loo xulayo.

Ugaas Maxamuud Cali Ugaas ayaa ka saxaafada usheegay fariin ay udirayaan 135-ka oday uu isaga kamidka yahay golaha wadatashiga qaran si ay uga noqdaan habraacii ay soo saareen.

 

Tan iyo markii uu soo baxay 22-kii bishaan war murtiyeed ay soo saareen golaha Wadatashiga Qaran ayaa waxa ka yimid diidmo badan markii lagu qanci waayey habka loo wajahayo habraaca doorashada xildhibaanada golaha shacabka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here