Danjiraha Cusub ee Maraykanka ugu qaabilsan Soomaaliya oo soo gaaray Muqdisho

0

Danjiraha cusub ee Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya, Larry Andrey, ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho.

Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa barteeda Twitter-ka kusoo qortay  in ay aad u daneyneyso in ay la shaqeyso dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda.

“Waxaan ku faraxsanahay inaan ku dhawaaqno imaatinka Ambassador Larry André. Waxa uu aad u jecel yahay in uu la shaqeeyo shacabka Soomaaliyeed, dowlad-goboleedkooda iyo dowladdooda federaalka ah, si aan u horumarino ujeeddada aan wadaagno ee ah, Soomaaliya dib u soo noolaynteeda si ay u noqoto dal ammaan ah, barwaaqo ah, oo dimuqraadi ah,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay safaarada Maraykanka ee Muqdisho.

Safiirka cusub ayaa beddelay Donald Yamamoto, oo ahaa danjiraha Soomaaliya tan iyo November 2018.

Bishii December ee sanadkii hore ayaa Congreska Maraykanka uu ansixiyay Larry Edward Andre Jr. I nuu noqdo safiirka Mareykanka ee Soomaaliya.

Sidoo kale’ Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden Bishii APriil Sanadkii 2021, danjire Larry Andrey u soo magaacabay safiirka cusub ee Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here