Maxkamada Ciidamada Qalabka ee Galmudug oo xukun riday Askari ka Tirsan Ciidanka dawlada

0

Maxkamada ciidamada qalabka sida qaybta Galmudug ayaa maanta markale u fariisatey dhageeysiga iyo go’aan ka gaarista dacwadda loo heysto dable Xoogga, Cabdiraxmaan Cabdulahi Axmed Tooxoow oo loo yaqaan (Taagane).

Eedeysanaha oo ka tirsan guutada 18-aad ururka 6-aad ee Ciidanka GorGor, ayaa ku eedeeysan dil xerada ciidamda ee duleedka Dhuusamareeb loogu geystay 16-kii bishii 12-aad ee sanadkii tagey, allaha u naxariistee Marxuum ex-dable xoogga Nuuradiin deeq Maxamed oo isla xeradaasi ka tirsanaa.

Ugu Horreyn Guddoomiyaha  maxamada ciidamada qalabka sida ee Qaybta Galmudug G/dhaxe Cabdulaahi Abuukar xasan ayaa eedeysanaha waydiiyay dooda uu ka qabo dambiga lagu soo eedeeyay.

Baaraha Kiiskaan ayaa Maxkamadda kusoo bandhigayo Cadeymo Muujinaya in Eedeysanaha uu si ku tala gal ah u geystay Falkaan.

Xeer Ilaaliyaha Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida qaybta Galmudug Gaashaanle Sare Cabdullaahi Maxamed Muuse Kayse ayaa Maxkamadda ka hor sheegay in uu cad yahay Dambiga lagu soo oogay Eedeysanaha sidaas darteedna ay muhiim tahay in lagu xukumo Ciqaabta uu mudan yahay…

Qareenada Udoodayay Eedeysanaha ayaa iyagana eeda ka bari yeelay Askariga dambiga loo heysto iyagoona cuskaday in Marqaatiyaasha aysan Maxkamadda Keenin Cadeymo lagu qanci karo.

Ugu Dambayn Guddoomiyaha maxamada ciidamada qalabka sida ee Qaybta Galmudug G/dhaxe Cabdulaahi Abuukar xasan ayaa Ugu dambeyn ku dhawaaqay Xukunka Eedeysanaha iyadoona Eedeysane Cabdiraxmaan Cabdulahi Axmed Tooxoow ( Taagane) lagu xukumay 15-sano oo xabsi ciidan ah iyo boqol halaad oo ah magta marxuumka uu dilay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here