Ciidamada xooga dalka oo la wareegay deegaanadii lagu dagaalamay ee Bacaadweyne

0
1

Mudug: (Nation Fm) Ciidamada xooga dalka iyo kuwa amaanka Galmudug ayaa firxadka dagaal yahanada Al-shabaab kula dagaalamay deegaanada shabeelow iyo Sabeeno-gowrac oo hoostaga magaalada Bacaadweyne.

Saraakiisha ciidanka Galmudug ayaa sheegay inay cagta mariyeen dagaal yahaynadii al-shababa ee isku dayayay in weeraro arbushaad ah ay ku qaadaan xarumaha ay ku sugan yihiin ciidanka isbiirsaday ee Galmudug.

Waxa ay xaqiijiyeen in dagaalka uu socday mudo kooban, ayna la wareegeen goobihii lagu dagaalamey, isla markaana ay kaga carareen meydadka tiro badan oo Al-shabaab ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here