Rag hubeysan oo muwaadiniin Soomaaliyeed ku dilay magaalada Toronto ee Canada

Inta la xaqiijiyay hal qof ayaa dhintay mid kale.na dhaawac ayaa ka soo gaaray kadib markii ay koox hubeysan weerar ku qaaday gaari ay wateen muwaadiniin Soomaaliyeed oo marayay agagaarka waddada Dixon iyo Scarlett ee magaalada Toronto.

Raga dilka geestay oo la sheegay inay ku hubeesnaayeen bastoolado ay goobta ka baxsadeen,iyada oo ay ku raad joogaan booliska magaalada Toronto sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay boliiiska.

Marxuumka dhintay ayaa lagu magacaabi jiray Haabiil Axmed Cabdullaahi Xasan oo ahaa 21 sano jir, sida ay Warbaahinta u sheegeen qaar kamid ah ehelkiisa.

Booliska magaalada Toronto ayaa sheegay in Allaha u naxariistee Haabiil, rasaas lagu furay, xilli isaga iyo qof kale oo la socday oo dhaawacmay ay marayeen agagaarka waddada Dixon iyo Scarlett, iyagoo watay gaari.

Sida booliska ay sheegeen ilaa iyo hadda waxaa laga shakisan yahay in weerarka ay ka dambeeyeen laba qof oo madow ah oo da’doodu ay u dhexeyso 20 ilaa 25 sano jir.

Gaariga ay wateen iyo laba bastoolad ayay boolisku sheegeen inay heleen, kadib markii eedeysanayaasha ay shil galeen xilli ay baxsanayeen, sidaasna ay uga carareen gaarigii ay wateen.

SHARE