Taliska Boliiska oo ka warbixiyay qarax ka dhacay degmada Xamarweyne

0
6
Taliska Ciidamada Boliiska Saldhiiga Soomaaliyeed  ayaa ka warbixiyay qaabka looga hortagay qarax ka dhacay agagaaraka saldhigga degmada Xamarweyne.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Saddiiq Aadan Cali ayaa sheegay in Ciidamada Booliska ay ka hortageen Nin isku soo xiray jaakad qarax oo doonayay in uu is qarxiyo, hayeeshee Ciidamada amniga ay eryadeen, taas oo keentay in Jaakada qaraxa uu iska tuuro ayna qaraxdo, qaraxaasna uusan geysan wax khasaaro ah.

“ Abaarihii 11:25 AM, ayeey Ciidabka Boliisku degmada Xamarweyne waxaa ay heleen xogta  qof isku soo xiray walxaha Qarxa kaa oo doonaya inuu isku qarxiyo Ummadda, ilaahay mahadiis ma u dhicin sidii uu rabay oo ciidanka ayaa ceyrsaday ka dibna jaakadda ayuu iska tuuray oo qaraxday cid khasaare ka soo gaaray ma jirin ayuu yiri” Afhayeenka.

Wararka ayaa waxaa ay sheegayaan in qaraxa uu dhaawac fudud kasoo gaaray Taliyaha Saldhiga Booliska Xamarweyne oo hoggaaminayay Ciidamo Boolis ah oo erynayay Ninka doonayay in uu is qarxiyo.

Xaalada Goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa haatan waxaa ay kusoo noqotay mid caadi ah, waxaana ku sugan Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska degmada Xamarweyne ee Gobolka Banaadir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here