Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay oo ka hadalay xaaldda Soomaaliya

0
6

Shirkii Golaha  Amaanka ee Qaramada Midoobay uu ka yeeshay arrimaha Soomaaliya ayaa warbixino looga dhagaystay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Arimaha Soomaaliya James Swan,  Wakiilka Mdawga Afrika ee Soomaaliya iyo waliba Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Maxamed C/risaaq.

Shirkan oo lagu qabtay aaladda fogaan araga ee internetka maadaama uu caalamka ku soo laba kacleeyey xanuunka covid19, waxay madaxdu dhamaantood diirada ku saareen xaaladda guud ee Soomaaliya iyo sida loogu baahan yahay in doorashooyinka soomaaliya looga gaaro heshiis la isla wada ogol yahay.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Maxamed C/risaaq  oo la hadlay warbaahinta qaranka kadib markii uu kulana ku soo dhamaaday ayaa sharaxay  qodobadii lagu heshiihey 17-kii Sept iyo sida ay lagama maarmanka u tahay in la fuliyo taasooo uu khudbaddiisa ku soo qaaday.

Wasiir Maxamed Cabdirisaaq oo hadlkiisa sii wata ayaa caddeeyey sida aan marna loo aqbali Karin in banaanbaxyo rabshado wata ay ugu dhacaan Soomaaliya gaar ahaan Caasimadda, isagoo intaa ku daray in dastuurka soomaaliya ogol yahay in la banaanbaxo laakiin ay ka weyn tahay halista Covid19.

Dhamaan madaxii goobta ka hadashay ayaa isku raacay qodobadaan hoos ku xusan .

  • In khilaafka iyo ismariwaaga taagan ay sabab u tahay dib u dhaca ku yimid doorashooyinkii lagu waday in ay dhacaan soomaaliya ka hor 8-dii Feb
  • In aanay jiri Karin cid gaar ah oo nidaam doorasho oo u gaar ah samaysan karta.
  • In arrintu ay meel wanaagsan joogto maadaama 17 kii bishaan magaalada Baydhabo ay dhinayadu ku gaareen heshiis dhamaystiran, sidaas darted ay muhiim tahay in si wadajir loo hirgaliyo heshiiskaas.
  • In xaaladda amaanka dalka laga faa’idaysan karo hadii aan la gaarin heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here