Wiil Soomaaliyeed oo lagu dilay magaalada Toronto ee dalka Canada

Haashim Cumar Xaashi oo ah muwaadin Soomaaliyeed, balse heestay dhalashada dalka Canada ayaa kooxo hubeysan waxa ay ku toogteen bartamaha magaalada Toronto ee dalka Canada.

AU Marxuuumka ayaa la sheegay in la toogtay xili uu gaarigiisa kala soo baxay Garaash ku yaala xaafada 40 Falstaff ee Magaalada Toronto, iyadoo ragii dilka geestay ay ka baxsadeen goobta.

Waa sawirka Haashim Cumar Xaashi oo ah marxuumka la dilay

Xildhibaan Feysal Xasan oo xubin ka ah baarlamanka gobolka Ontario ee dalka Canada ayaa sheegay in marxuumka xilliga la dilayay uu ku guda jiray nolol maalmeedkiisa caadiga ah, isla markaana dilkaas uu walaac ku abuuray walidiinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan Toronto.

Wuxuu sheegay in gowladda Canada iyo hay’adaha garsoorka ay ka dalbanayaan inuu helo marxuumka Cadaalad, lana soo qabto cidii ka dambeysay falkaas araxan darada ah.

SHARE