FAO oo Soomalaiya ka daahfureytay mashruuc kor loogu qaadayo Beeraha iyo kaluumeysiga

0
17

Hay’adda Cunnada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay (FAO) ayaa ku dhawaaqday daahfurka maanta mashruuc seddex sano soconaya oo lagu horumarinayo iskaashi ay la leeyihiin DFS iyo Midowga Yurub (EU).

Mashruucaan ayaa looga golleeyahya hormarinta beerah, kaluumeysiga iyo xoolaha, si sare loogu qaado shaqo abuurka, dadka ay dilootay shaqo la’aanta.

Xooga mashruucaan ayaa laga fulin doonaa marinnada Somaliland, Bartamaha Waqooyiga, Wabiyda Shabeelle iyo Webiga Jubba.

Mashruucu wuxuu soo bandhigi doonaa xirmo isku dhafan oo waxqabadyo ah, si loo soo nooleeyo dhaqaalaha Soomaaliya isla markaana gacan looga geysto maalgashi waara oo lagu sameeyo qeybaha xoolaha iyo kalluumeysiga.

“FAO waxay ku faraxsan tahay inay awood u yeelato inay taageerrada ay u fidineyso mashruucan ku saleyso taageerada ballaaran ee ay siiso qeybaha wax soo saarka ee Soomaaliya, iyadoo lala kaashanayo Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada, deeq bixiyaasha iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay.”sidaas waxa axafladda furitaanka mashruucaan ka yiri Wakiilka FAO ee Soomaaliya, Etienne Peterschmitt

”Mashruuca RAAISE wuxuu aqoonsan yahay horumarka baaxadda leh ee wasaaradaha iyo qaybaha daneeya waxsoosaarka ay ku tallaabsadeen sannadihii la soo dhaafay, si loo xoojiyo sahayda cuntada, kordhinta dakhliga ka soo gala dhoofinta iyo shaqooyinka la xiriira iyo kor u qaadista tayada cuntooyinka la gaarsiiyo dadka Soomaaliyeed. FAO waxay ku faraxsan tahay inay taageerto tallaabada xigta ee horumarkan ” ayuu yiri Etienne Peterschmitt.

Mashruucu wuxuu sidoo kale diirada saari doonaa dib-u-habeynta iyo dhisida kaabayaasha wax soo saarka si loo helo ilo biyo ah oo loogu talagalay waraabka iyo xoolaha iyo sidoo kale hagaajinta xeryaha keydinta calafka iyo dib u habeynta kaabayaasha kalluumeysiga sida meelaha ya doomaha ku soo xirtaan iyo suuqyada si kor loogu qaado tayada wax soo saarka; marka lagu daro bixinta tababarka iyada oo loo marayo hab ku saleysan bulshada sida Fisher Field Schools.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here