Soomaalida K/Afrika oo wajahaya xaalado amni

0
15

Muqdisho:(Nation Fm) Soomaalida ku nool magalada Port Elizabeth ee dalka Koonfur  Afrika ayaa wajahaya xaalado amni, kadib markii koox madoow ah ay gubeen gaari Taksi ahaa oo watay nin Soomaali ah.

Soomaalida magalada Port Elizabeth oo falkaas ka carooday ayaa lagu soo waramayaa in ay gubeen12 gaari oo nooca caasiga loo yaqaan oo ay lahayeen dad u dhashay dalkaas.

Falkaan ayaa ka bilooday kadib markii ay isku dheceen gaari Uber Taxi ah uu watay nin Soomaali ah iyo gaari kale ee uu watay u dhashay Koonfur Afrika.

Darawalkii South Afrikaanka ahaa ayaa wacday koox kale oo madoow ah, kuwaas oo goobtaas ku gubay gaarigii Ubarka ahaa ee uu lahay ninkii Soomalaiga ah.

Xaaladda ayaa weli qasan waxaana xiran goobihii ganacsiga ay lahaayeen Soomaalida, waxaana goobtaas la keenay ciidamo boolis ah, si aanu rabshaduhu ugu faafin gobolada kale ee dalkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here