Duqa Muqdisho oo daah furay waaxda dhismo-wadaaga dowladda Hoose

0
12

Muqdisho: (Nation Fm) Guddoomiyaha gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta daah-furay xafiiska waaxda dhisma-wadaaga dowladda hoose oo lagu soo bandhigay munaasabd ka dhacday aqalka dowladda hoose ee Xamar.

Gudoomiye Cumar ayaa isla munaasabadda daah furay ah ku saxiixay xeerka nidaamka dhismo-wadaaga dowladda Hoose, kaas oo tilmaamay habraacyada loo marayo dhismayaasha laga hitgelinyo Caasimadda, gaar ahaan guryaha la kireesto ama la iibsado ee loo yaqaan (Apartiment).

Munaasabada ayaa waxaa goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin ka kala socday, Xafiiska Garyaqaanka Guud, Guddoomiyaha Guddiga Qaran ee La-dagaalanka musuqa iyo bangiyada dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here