Kulan looga hadlayay dar dargelinta doorashada oo ka dhacay Boosaaso

0
10

Bosaaso: (Nation Fm) Guddiyada doorashooyinka heer Federaal (GHDHF) iyo heer mamaul goboleed (GMDHDX) ee Puntland ayaa maanta kulan kula yeeshay magaalada Boosaaso maamulka gobolka Bari iyo qaybaha bulshada.

Muuse Geelle oo ka tirsan guddiga hirgelinta doorashooyinka heer Federaal oo shirka ka hadlay ayaa faahfaahin ka bixiyey hababka dorashadu u qabsoomayso, doorka odayaasha iyo maamulka gobolka iyo degmada.

Gudoomiye ku xigeen guddiga maamulka doorashooyinka Puntland Caynaanshe Yuusuf ayaa odyaasha dhaqanka ee gobolka Bari uga war bixiyey halka ay marayso diyaar garowga doorashada golaha shacabka oo dhowaan la filayo inay ka dhacdo Boosaaso oo ka mid ah magaalooyinka loo asteeyey in ay ka qabsoonto doorashadu.

Gudoomiye ku xigeenka Gobolke Bari Axmed Xaaji Maxamuud iyo taliyaha booliiska qaybta gobolka Bari Gaashaanle sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa ka warbixiyey siday ugu diyaar yihiin ka qayb qaadashada qabsoomidda doorashada ee dhinacyada adeegyada, goobaha loo diyaariyey iyo amniga.

Guddiyadaan doorashada ayaa maalmahaan safar shaqo ku joogo Boosaaso, iyagoona kormeer ku sameeyey goobaha maamulku u asteeyey in ay ka dhacdo doorashadu.

Ugu danbayn maamulka iyo odayaasha gobolka Bari ayaa balan qaaday in ay guddiyada kala shaqaynayaan dhinacayda amniga iyo fududeynta hawlaha, si ay u qabsoonto doorasho ku dhacda si nabad ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here