Dib u dhac ku yimid doorashada mid ka mid ah kuraasta Aqalka Sare

0
1

Muqdisho: (Nation Fm) Dib u dhac ayaa ku yimid doorashada mid ka mid ah kuraasta Aqalka Sare, kadib caabsho ay soo gudbiyeen xubno ka mid ah musharixiinta ku tartamaya kusriga simadfiisu tahay UH# 07 ee Hirshabelle.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Guddiga maamulka doorashada Hirshabelle ayaa lagu yiri sida tan:-

  • Iyadoo laga jawaabayo cabashadii ay soo gudbiyeen qaar ka mid ah musharaxiinta ku tartameeysa kusiga aqalka sare ee sumadiisu tahay UH# 07 ayaa gudiga heerarkiisa kala duwan ka fariisteen, wada tashi dheer kadibna waxay isla qaateen soo jeedinta hoos ku xusan.
  • In uusan jirin qodob kamid ah habraacyada doorashooyinka aqalka sare oo la jabiyay, sidaa darteed waxa uu ugu baaqayaa guddigu in musharaxiinta cabashada soo gudbiyay ku soo laabtaan deegaan doorashadooda.
  • In kurisga cabashada ka timid dib loogu dhigo ilaa Axadda 4:00 PM oo taariikhduna ku beegantahay 19/09/2021 si musharaxiinta fursad ugu helaan in ay ku soo laabtaan deegaan doorashadooda.

Ugu dambeyn, Gudigu wuxuu ugu baaqayaa musharaxiinta ku tartamaya kursigaan in ay dhowraan waqtiga loo asteeyay.

**DHAMAAD****

See Less

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here